Ugu yaraan 20 qof oo loo xiray weerar jimcihii ka dhacay Uganda

0
271

Saraakiisha ammaanka ee dalka Uganda ayaa gacanta ku dhigay oo su’aallo waydiiyay ugu yaraan 20 qof oo lala xiriirinaya weerarkii habeenimadii ay Sabtida soo galeysay lagu qaaday dugsiga sare ee Lhubirira oo ku yaalla magaalada Mpondwe ee xigta xadka wadankaasi iyo DRC.
Weerarka oo la fuliyay abaare 11:30 habeenimo ayaa waxaa ku dhintay 42 qof .
37 ka mid ah dadkan ayaa ahaa arday.
Dowladda Uganda ayaa sheegtay in falkaasi ay ka dambeysay kooxda ADF oo gacan saar la leh ISIS.
Booliiska Uganda ayaa bayaan ku sheegay in 20-ka qof ee la xiray uu ka mid yahay maamulaha dugsiga la weeraray.
Saraakiisha ammaanka ee wadankaasi ayaa sheegaya in eedeysanayaasha ay la shaqeeyaan kooxda weerarka lala xiriiriyay sidaasi awgeedna la qabtay si ay booliiska uga caawiyaan baaritaannada socdo.
Dagaalyahaannada ADF ayaa marar kala duwan weerarro ka gaystay gudaha dalka Uganda waxaana ka mid ahaa qaraxyadii magaalada Kampala ka dhacay sanadkii 2021-kii.