Iyadoo galinka dambe ee maanta dowladda dhexe ay baarlamaanka la wadaagi doonto qorshaha miisaaniyad sanadeedka 2023/2024-ka ayay qaar ka mid ah dadweynaha oo arrinkan dareenkooda ka dhiibtay waxay ku baaqeen in la dhimo qiimaha waxyaabaha daruuriga ah.
Ganacsatada muruq maalka ah sida wadayaasha mootooyinka ayaa maamulka madaxweyne William Ruto ka codsaday inuu ka soo baxo ballanqaadyadii uu u sameeyay xilligii ololaha doorashada ee sanadkii hore oo uunan nolosha ku sii adkeyn.