Filibiin oo sheegtay in la dilay hoggaamiye ka tirsan ISIS

0
215

Dowladda dalka Filibiin ayaa sheegtay in ciidamadeeda militariga ay dileen hoggaamiye kooxda isku tilmaanta khilaafada islaamiga ee ISIS u qaabilsanaa gobolkaasi oo lagu magacaabi jiray Abu Zacharia.
Dilka ayaa ka dhacay magaalada Marawi ee jasiiradda Koonfureed ee Mindanao , dalka Filibiin.
Abu Zacharia ayaa loo yaqaanay madaxa ISIS ee Koonfurta Bari ee qaaradda Aasiya.
Militariga Filibiin ayaa sidoo kale laga soo xigtay inay howlgalkaasi uga takhaluseen madaxii tasiilaadka ee ISIS gaar ahaan qaybta loo yaqaano DI-Maute , Abu Morsid.