Dowladda oo u baahan 14 bilyan si wax looga qabto saameyntii abaarta

0
299

Wasiiradda wasaaradda arrimaha bariga Afrika , horumarinta gobollada iyo deegaannada oomanaha ee ASALs Rebecca Miano ayaa sheegtay in dowladda dhexe gaar ahaan wasaaradeeda ay u baahan tahay in loo qoondeeyo 14 bilyan oo shilin.
Lacagtan ayay carrabka ku dhufatay in loo adeegsan doono gurmadka loo fidinaya dadka aan weli ka soo kaban saameyntii abaarta.
Dhaqaalahan ayay xustay inuu yahay mid la isticmaali doono sanad maaliyadeedkan.
Waxay intaasi ku dartay in shakhsiyaadka gurmadka la gaarsiinaya ay yihiin in ka badan hal milyan oo qof oo ku nool 23 dowlad deegaan.
Wasiiradda ayaa arrintan ka hadashay xilli ay ka jawaabeysay su’aal uu waydiiyay senatarka ismaamulka Marsabit, Maxamad Chute .
Miano ayaa sheegtay in wasaaradeeda ay miisaaniyad dheeraad ah oo gaaraysa 5.2 bilyan oo shilin ugu talagashay maalgelinta barnaamijka gargaarka ee hadda socdo.
Waxay intaasi ku dartay inay lagama maarmaan tahay in laga faa’iidaysto fursadaha wax soo saarka ee deegaannada ASALs .
Abaartii dalka saameysay ee aan weli si buuxda looga soo kaban ayaa ahayd midii ugu darnayd ee la soo tabiyo muddo 40 sano ah.