Nin loo haysto inuu dhac ka gaystay Ngong Road oo la xiray

0
318

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in gacanta lagu dhigay eedeysane lala xiriirinaya fal dhac ah oo loo gaystay qof ajnabi ah.
Falkan oo muuqaal laga duubay la faafiyay ayaa laga soo tabiyay waddada Ngong Road .
DCI ayaa intaasi ku dartay in tuhmanaha uu hadda saraakiisha booliiska ka caawinaya baaritaannada.
Muuqaalka oo toddobaad lagu faafinayay baraha bulshada ayaa laga dhex arkaya eedeysanaha oo haweeney si qasab ah uga qaadanaya boorso ka dibna ku baxsanaya mooto.
Magaca qofka la xiray ayay waaxda dambi baarista dalka ku sheegtay Samuel Ndungo Waweru oo la rumeysan yahay inuu xubin ka yahay koox burcad ah.
Sidoo kale waxaa la aqoonsaday xubnaha kale ee kooxdan oo ay hadda saraakiisha amniga dabagal ku hayaan.