DHAGEYSO:Shacabka Ilbisil oo amni darro ka cabanaya

0
318

Dadweynaha ku nool degmada Ilbisil ee ismaamulka Kajiado ayaa cabasho ka muujinaya falal amni darro oo halkaasi ku soo noqnoqday.
Waxay shacabka sheegayaan in koox dhallinyaro ah ay jabsadaan dukaamada iyagoo gaysta dhac hantiyadeed.
Sidoo kale kooxdan ayaa hadda billowday inay weeraraan xafiisyada dowladda sida kuwa saraakiisha ammaanka.
Dadweynaha degmadaasi ayaa laamaha ammaanka ka codsaday inay dhibaatooyinkan oo ay ka mid tahay isticmaalka maandooriyaha wax ka qabtaan.

Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo Kajiado Felix Watakila ayaa dhankiisa shacabka u xaqiijiyay in la xallinaya tabashooyinkooda.