Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya dagaal culus oo ka dhacay gudaha magaalada Baraawe

0
298

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in saaka ay deggan tahay xaaladda magaaladaasi, ka dib dagaal Culus oo Shalay galinkii dambe ilaa Xalay fiidkii soo gaaray oo ku dhexmaray halkaasi ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed.
Dagaalka saacadaha badan qaatay ee ku dhexmaray gudaha magaalada Baraawe Militariga Soomaaliya iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa la sheegay inuu ahaa mid ka billowday dil ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed ay u gaysteen askari ka tirsana Militariga Soomaaliya oo magaciisa lagu soo koobay Suusac.
Inta la xaqiijiyay dagaalka culus ee ka dhacay gudaha magaalada Baraawe waxaa ku dhintay ilaa 10 ruux, waxaana ku dhaawacmay tiro intaasi ka badan.
Guddoomiyaha gobolka Shabeelada Hoose Maxamad Ibraahim Barre oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa ugu horreyn ka tacsiyadeeyay khasaaraha ka dhashay dagaalkii ka dhacay degmada Baraawe ee gobolka Shaabeelaada Hoose.
Waxaa uu sidoo kale sheegay inay ku guuleysteen in xabad-joojin ay kala dhex dhigaan ciidamada labada dhinac ah ee dirirtu dhexmartay, islamarkaana ay baarayaan waxaa sababay dagaalka.