Ciidamada Uganda: Shabaabkii nagu soo weerarray Buulo Mareer waxaan u qaadanay inay ahaayeen beeraley

0
297

Qaar ka mid ah askartii Uganda ee ka midka ahaa howlgalka midowga Afrika ee ATMIS ee ka badbaaday weerarkii Buulo Mareer, ayaa sheegay in Shabaabkii dhawaan soo weerarray ay ku qaldeen inay ahaayeen beeralay.
Sarkaal ka tirsan dowladda Uganda ayaa sheegay in weerarka ka hor ay beeraleydu xilliyada habeenkii ah meel ku dhow saldhiga ciidamada Uganda, ka wadeen waraabinta dalagyada beerahooda.
“Beeralayda waxay waraabinayeen dalagyadooda iyagoo isticmaalaya cagafyo iyo dameero habeenkii oo dhan, arrintan ayaa keentay in ciidamadeenu ay dib u dhigaan falcelintooda iyagoo u malaynayay iftiinka beeraha ka soo baxayay in ay ahaayeen shaqada beeralayda,” ayaa lagu yiri bayaan uu soo saaray ku xigeenka afhayeenka cidamada militariga dalka Uganda.
Sarkaalka ciidamada Uganda ayaa sheegay in khaladka ugu weyn ciidamadooda ay sameeyeen uu ahaa sababta ay isugu diyaarin waayeen dagaal markii ay heleen xogta weerarka Al-Shabaab.
Sarreeye Guuto Felix Kulayigye ayaa mar sii horreysay sheegay, in ay hayeen xog sir ah oo ku saabsan weerarrada Al-Shabaab.
Askarta ka badbaaday weerarka ayaa iyaguna sheegay in sirta weerarka la heli karay, balse ay ku jahawareereen dhaqdhaqaaqa beeraleyda.
Uganda ayaa lumisay taliyihii ugu sareeyay xerada Buulo Mareer, Lt Col Edward Nyororo, kaas oo Al-Shabaab ay sheegeen in ay toogteen, halka warar kale ay sheegayaan in uu is toogtay ka dib markii ay hareereeyeen ciidamada Al-Shabaab.