Golaha ammaanka oo ku baaqay in ciidamada Somaliland si degdeg ah looga saaro gobolka Sool

0
294

Golaha ammaanka ee qaramada Midoobay ayaa walaac xooggan ka muujiyay colaadda ka socota magaalada Laascaanood, taas oo sababtay dhimashada dad badan oo rayid ah iyo barakaca in ka badan 150,000 oo qof.
Bayaan ay soo saareen golaha Ammaanka ayay ku soo dhaweeyeen dadaallada ay waddo Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), Itoobiya iyo odayaasha deegaanka ee SSC, iyadoo dadaaladaasi lagu xaqiijinayo xabbad-joojin loo dhan yahay.
Golaha ammaanka ayaa bayaankiisa ku sheegay in Somaliland ay si degdeg ah ciidamadeeda uga saarto goobaha dagaalka ee Laascaanood, iyo inay dhinacyadu is xakameeyaan oo ay ka fogaadaan falal kaste oo sii hurinaya colaadda.
Sidoo kale golaha ammaanku ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada is haya inay si degdeg ah heshiis xabbad-joojin ah u gaaraan, isagoo ku dhiirigeliyay wada hadal loo dhan yahay.
Waxaa uu ugu baaqay Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) inuu bixiyo taageero dheeraad ah si waafaqsan waajibaadkiisa.
Golaha ammaanka ayaa ugu dambayn walaac ka muujiyay saamaynta ay colaaddu ku yeelan karto xaaladda bini’aadantinimo ee magaalada Laascaanood, iyadoo sii kordhinaysa barakaca iyo dhibaatada ka dhalatay abaartii sanadkii hore ee 2022-ka.