Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qaraxyo xooggan oo ka dhacay magaalada Doolow ee gobolka Gedo ee dalka Soomaaliya, iyadoo jugta qaraxyadaasi laga maqlay deegaano badan oo gobolkaasi ka tirsan.
Wararka hordhaca ah ee la helayo ayaa sheegaya in qaraxyadan oo ilaa labo gaarayay lagu weerarray xero ay ciidamada Itoobiya ku leeyihiin magaaladaasi, ciidankan oo ka tirsan howlgalka midowga Afrika ee ATMIS ayaa la ogeyn khasaaraha ku gaaray weerarkan.
Waxaa ay wararku intaasi ku darayaan in qaraxyadan uu midka hore ahaa gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo lagu weerarray xerada, halka qaraxa kalena la sheegay inuu ahaa qof watay jaakado ay ka buuxeen qaraxyo, iyadoona ciidamada Itoobiya ay xireen xerada, si aan loo ogaan khasaaraha gaaray.
Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in qaraxa ka dib la maqlay rasaas xooggan, lama oga in qaraxyadan ka dib ay rag hubeysan galeen xerada ama rasaasta la maqlay ay tahay mid ay ridayeen ciidamada Itoobiya ee halkaasi ku sugnaa.
Weerarkan ayaa ku soo beegmay saacado ka dib markii madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Axmad Maxamad Islaam (Axmad Madoobe) uu maamul cusub u magacaabay gobolkaasi Gedo, isagoo xilalkii ka qaaday maamulkii hore oo taabacsanaa madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo.
Dhanka kale, warqad ay kooxda Al-Shabaab soo saartay ayay ku sheegteen weerarkii maanta lala beegsaday saldhig ay ciidamada Itoobiya ku leeyihiin duleedka magaalada Doolow ee goblka Gedo.
Weerarka oo aysan weli ka hadlin ATMIS iyo dowladda Soomaaliya midna, ayay Alshabaab ku sheegeen in uu ahaa labo qarax oo ay la beegsadeen saldhigga iyo keydka hubka ee ciidamada Itoobiya ee halkaas ku sugan.
Ma jiro ilo madax bannaan oo laga xaqiijin karo, balse waxay Al-Shabaab sheegteen in ay khasaare dhimasho iyo burbur ah ku gaysteen weerarka.
Wixii kasoo kordha qododkan wararkeenna dambe ee idaacadda ayaad kula socon doontaan.