Afar askar oo ka tirsan ciidamada Uganda ee qaybta ka ah howlgalka midowga Afrika ATMIS ee Soomaaliya ayaa muddo lix maalmood ah is qarinayay, si ay uga badbaadaan Al-Shabaab oo la wareegtay saldhiggoodii Buulo Mareer.
Afhayeen u hadlay ciidamada Uganda oo lagu magacaabo Sarreeye Guuto, Felix Kulaigye, ayaa sheegay in askartan ay ka badbaadeen weerarkii Al-Shabaab iyagoo ku dhuumaaleysanayay gudaha iyo hareeraha Saldhigga la weeraray ee Buulo Mareer.
Waxaa uu sheegay in askartan la helay ka dib markii ciidamada Uganda ay dib ula wareegeen saldhigga Buulo Mareer maalinkii Khamiista ee toddobaadkii hore ee la soo dhaafay.
“Markii aan saldhigga ku soo laabanay ayaan la kulannay askartan oo aad u tabar yareeyay gaajo iyo harraad darteed, sababtoo ah waxay noolaayeen oo ay ku badbaadeen kaadidooda oo kaliya,” ayuu yiri Kulaigye.
Waxaa uu intaasi ku daray in mid kasta oo ka mid ah uu kaligiis ku dhuumanayay meel gaar ah.
Warkan ayaa ku soo beegmaya xilli madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni uu sheegay in 54 askari Uganda looga dilay weerarkii 26-kii bishii hore dhacay.
Dowladda Uganda ayaa Soomaaliya u soo dirtay koox uu hoggaaminayo taliyaha ciidamada dhulka Lieutenant Janeraal Kayanja Muhanga si ay u baaraan weerarka.
Madaxweyne Museveni ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay laba taliye oo uu ku tilmaamay inay khalad sameeyeen isagoo sheegay inay ciidanka ku amreen inay dib u gurtaan.