Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Madaxweynaha Jubbaland oo maamul u magacaabay gobolka Gedo

Madaxweynaha Jubbaland oo maamul u magacaabay gobolka Gedo

Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa sidatan u qornaa:
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam Markuu arkay: Dastuurka Dowlada Jubaland, Cutubkiisa nad, Qodobka 72aad, Fargada (5aad) ee ku aadan awooda madaxweynaha, ee magacaabida xubnaha Golaha Fulinta Jubaland;
Markuu Garwaaqsaday: Muhiimada ay leedahay in maamul loo sameeyo gobolka Gedo;
Markuu Latashaday: Madaxweyne ku-xigeenada Dowlada Jubaland.
Wuxuu Madaxweynaha Dowlada Jubaland u magacaabay,
1. Cabdullahi Cabdi Jaamac —Gudoomiyaha Gobolka Gedo.
2. Cusmaan Nuux Xaaji ( Macalimu) —G/Kuxigeenka Amniga & Siyaasada.
3. Nasteex Cabdi Saalax —G/ Kuxigeenka Maaliyadda.
4. Ibrahim Madoobe Maxamed —G/Kuxigeenka Arrimaha Bulshada.
5. Maxamed Xuseen Isaaq (Qaadi) —G/Kuxigeenka Maamulka ahna Xoghayaha Gobolka
Waxay Magacaabistani dhaqan galaysaa marka uu Madaxweynuhu sixiixo Wuuna sixiixay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments