Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Nin hubeysan oo 2 qof ku dilay Maraykanka

Nin hubeysan oo 2 qof ku dilay Maraykanka

Waxaa lagu soo warramayaa in labo qof ay dhinteen halka 5 kalena ay dhaawacmeen ka dib markii nin hubeysnaa uu rasaas ku furay dad ka qayb galayay xaflad qalinjabin ah oo ka dhacaysay dugsi sare oo ku yaalla magaalada Richmond ee gobolka Virginia ee Maraykanka.
Ciidamada booliiska ayaa xaqiijiyay weerarka iyo khasaaraha isugu jira dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhashay.
Saraakiisha ayaa intaasi ku daray inay xireen hal qof oo 19 sano jir ah oo falkaasi lala xiriirinaya.
Madaxa booliiska ee magaalada Richmond ,Rick Edwards ayaa shir jaraaid oo uu qabtay ka sheegay in labada qof ee weerarka ku dhintay ay da’doodu ahayd 18 iyo 36 sano.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments