Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Taliye ku xigeenkii ciidanka Somaliland oo u goostay dhinaca xooggaga SSC ee...

Taliye ku xigeenkii ciidanka Somaliland oo u goostay dhinaca xooggaga SSC ee Laascaanood

Waxaa Maanta Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool lagu soo dhaweeyay taliye ku xigeenkii Ciidanka Somaliland Janeraal Saleemaan Barre Geesood, kaas oo u soo goostay dhinaca Ciidamada xoogagga degaanka ee SSC.
Sarkaalkan iyo Ciidamo uu wato ayaa waxaa Magaalada Laascaanood ku soo dhaweeyay saraakiil katirsan xooggaga SSC, kuwaas oo qayb ka ah dagaallada ka socda duleedka Magaalada Laascaanood
Janeraal Saleemaan Barre Geesood, ayaa sheegay inay ku biiri doonaan isaga iyo Ciidamada uu wato dagaalka looga soo horjeedo Somaliland.
Tan iyo markii uu billowday dagaalka Laascaanood ayaa waxaa Ciidamada Somaliland ka soo goostay oo dhinaca xooggaga SSC u wareegay Saraakiil iyo Ciidamo farabadan oo ka tirsanaa kuwa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments