Shacabka dalka Guinea-Bissau ayaa maanta ka qayb qaadanaya doorashada baarlamaanka oo halkaasi ka qabsoomaysa.
Tani ayaa ku soo beegmaysa wax ka badan hal sano ka dib markii uu madaxweyne Umaro Sissoco Embalo uu kala diray baarlamaanka isagoo u aaneynaya eedeymo musuqmaasuq.
22 xisbi ayaa waxay ku tartamayaan kuraas gaaraysa 102.
Tirada dadka isku diiwaangeliyay ka qayb galka codeynta ayaa ah 884,000 waxaana la filaya in natiijada la shaaciyo 48-da saacadood ee nagu soo aaddan gudaheeda.