Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo hoggaamiyeyaasha Puntland iyo Jubbaland oo kulmaya

0
466

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la filayaa inuu kulan la qaato Madaxweynayaasha Maamulada Puntland & Jubbaland oo ku sugan Magalada Muqdisho ee Caasimada ah.
Kulanka oo lagu wado inuu qabsoomaya khamiista Berri ah ayaa Yimid kadib markii Wakiilada Beesha Caalamka gaar ahaan Mareykanka, QM iyo UK ay ku cadaadiyeen Madaxda Jubbaland & Puntland inay la kulmaan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada.
Kulankaaan ayaa qeyb ka ah kulan doceedyada kahor shirka guud, kuna adkeysteen Beesha Caalamku inaan cidna ka baxeynin Magaalada Muqdisho Ilaa heshiis doorasho la gaaro.
Wakiilada Beesha Caalamka ayaa Horay waxaay ula kulmeen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, iyagoo ka wada hadlay sidii xal looga gaari lahaa khilaafka doorashooyinka.
Maalmihii la soo dhaafay waxaa Magaalada Muqdisho ka socday kulamo gaar gar ah oo ay lahaayeen Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Xubnaha Midowga Musharixiinta si loo qabto doorasho loo dhan yahay.