DHAGEYSO:Madaxweyne ku xigeenka dalka oo sheegay in la ansixinaya hindise maaliyadeedka sanadkan

0
194

Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa sheegay in xitaa haddii laga soo horjeedo hindise maaliyadeedka sanadkan ee Finance Bill 2023 in baarlamaanka uu meel marin doono.
Xilli uu ku sugnaa dugsiga sare ee St Charles Lwanga ee ismaamulka Kitui ayuu Gachagua hoosta ka xarriiqay in isbeheysiga talada dalka haya ee Kenya Kwanza ay baarlamaanka ku matalaan tiro ka badan tan mucaaradka taasoo u suurtagelin karta in la ansixiyo hindise maaliyadeedka muranka dhaliyay.
Waxaa uu intaasi ku daray inaynan maangal ahayn in dowladda ay hirgeliso mashaariic horumarineed iyadoo aan canshuur la qaadin.
Sidoo kale Gachagua ayaa xusay inay doonayaan in laga gudbo qaadashada deymaha shisheeye ee ay dowladdu ku qasbanaato inay dib u bixiso.

Waxaa aragtida madaxweyne ku xigeenka dalka taageeray wasiirka wasaaradda waxbarashada Ezekiel Machogu.

Hadalka hoggaamiyaha labaad ee dalka ayaa ku soo beegmaya iyadoo toddobaadkan golaha qaran ee xeer dejinta uu eegi doono warbixinta guddiga maaliyadda ka hor inta aan 15-ka bishan la soo bandhigin qorshaha sanad maaliyadeedka 2023-2024-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here