Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Maraykanka oo xayiraad ku soo rogay Suudaan

Maraykanka oo xayiraad ku soo rogay Suudaan

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay cunaqabateyn ku soo rogtay Suudaan .
Waxaa ay shaaca ka qaadday inay la xisaabtami doonto dhammaan dhinacyada carqaladeynaya xasiloonida wadankaasi.
Xayiraadaha ayaa lagu bartilmaameedsanaya shirkadaha lala xiriirinaya madaxa saraakiisha sida militariga u tababaran ee RSF Maxamad Hamdan Dagalo ee gudaha Imaaraadka iyo caasimadda Suudaan ee Khartoum.
Sidoo kale cunaqabateynta Maraykanka ayaa saameynaysa labo shirkadood oo ah kuwa difaaca oo xiriir la leh madaxa militariga Suudaan General Cabdel Fataax al-Burhan.
Aqalka cad ee Maraykanka looga arrimiyo ayaa sheegay inuu cunaqabateyn saaraya kuwa rabshadaha sii hurinaya in kastoo uunan si gaar ah u magacdhawin.

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments