Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Ruushka oo Maraykanka u jeediyay eedeyn dhanka taleefoonnada ah

Ruushka oo Maraykanka u jeediyay eedeyn dhanka taleefoonnada ah

Dowladda Ruushka ayaa adeegga sirdoonka ee Maraykanka ku eedeysay inuu faragelin ku sameeyay kumanaan ka mid ah taleefoonnada nooca iPhone-ka.
Adeegga amniga ee dowladda Ruushka ee(FSB) ayaa laga soo xigtay in taleefoonnada ay isticmaalayeen muwaadiniin u dhashay wadankaasi iyo dibloomaasiyiin shisheeye.
Waxaa eedeynta qayb ka ah in tallaabadan dhanka sirdoonka ay saameyn ku yeelatay taleefoonnada dibloomaasiyiinta ka soo jeedo waddamada Syria , Israa’iil, Shiinaha iyo si guud xubnaha NATO.
Hasa ahaate shirkadda soo saarta taleefoonada iPhone-ka ee Apple ayaan ka jawaabin faragelinta uu Ruushka ku eedeyay Maraykanka.
Waxaa ay dhanka kale shirkaddu iska fogeysay dhaliil uga timid xukuumadda Moscow oo ahayd inay laanta sirdoonka ee Washington kala shaqeysay qorshahan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments