Maraykanka, Japan iyo Filibiin oo sameynaya dhoolatus wadajir ah

0
304

Ciidamada badaha ee dalalka Maraykanka, Japan iyo Filibiin ayaa shaaciyay inay si wadajir ah u sameyn doonaan dhoolatus.
Tallaabooyinkan ayaa noqon doono kuwii ugu horreeyay ee ay saddexda dal si wadajir ah u qaadaan.
Dhoolatuska oo maanta ka billaabanaya gobolka Bataan ee dalka Filibiin ayaa socon doono ilaa 7-da bishan June.