Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Rw Xamse “Cid ayaa maqan looma joojin doono dhameystirka dastuurka”

Rw Xamse “Cid ayaa maqan looma joojin doono dhameystirka dastuurka”

Ra’iisul wasaaraha dalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in ay Xukuumaddiisu wakhti badan gelinayso dhameystirka dastuurka dalka oo muddo dheer qabyo ah.
Waxaa uu sheegay inay muhiim tahay in la dhameystiro Dastuurka KMG ah ee dalka, islamarkaana ciddii ka maqan ay timaado loona baahneyn in dadka la jahwareeriyo.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa intaasi ku daray in anaa maqan aan loo joojin doonin dhameystirka Dastuurka.
“Hadii madalaha aad soo farriisan weysid adiga shakhsiyan dadka waxaad rabtid ha u sheegin oo yaa tolaay haku owr kacsan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.
Hadalka Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ku soo aadaya xilli go’aanadii ka soo baxay Shirkii Golaha wadatashiga Qaran ay ka soo horjeesteen siyaasiyiin uu ka mid yahay Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments