Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Garoowe: Ciidamo ka gadoodsan mushaar la'aan oo xirtay waddada madaxtooyada iyo wasaaradaha

Garoowe: Ciidamo ka gadoodsan mushaar la’aan oo xirtay waddada madaxtooyada iyo wasaaradaha

Ciidamo ka gadoodsan mushaar la’aan ayaa saaka xirtay waddada gasha madaxtooyada iyo wasaaradaha ee maamulka Puntland.
Ciidamadan ayaa dadka iyo gaadiidka u diidaya inay ka gudbaan waddadan, waxayna waddada ku jareen tekniko dagaal iyo dhagxaan.
Waddada ay ciidankan goosteen ayaa ah waddo aad muhiim ah oo ay subax walba u shaqo tagaan shaqaalaha ka shaqeeya wasaaradaha, madaxtooyada Puntland, xarumo ganacsi iyo hay’adaha oo xarumahooodu halkaas ku yaallaan.
Ciidamadan gadoodka sameeyay ayaa la sheegay inay ka tirsan yihiin ciidamada madaxtooyada Puntland, waxayna ka cabanayaan mushaar la’aa dhowr bilood ah, sida aan ka soo xiganay qaar ka mid ah saraakiishooda.
Waa markii labaad oo maalmo gudaheed ciidamo Puntland ay sameeyaan gadood ay kaga cabanayaan mushaar la’aan, maalmo ka hor ayay ahayd markii ciidamo ku sugan buuraha Golis ay ka soo baxeen fariisinkooda, iyagoo xiray laamiga Bosaso, waxayna ka cabanayeen mushaar la’aan.
Puntland ayaa caan ku ah marka la gaaro sanadka ugu dambeeya muddo xileedka madaxweynaha in ay dhacdo mushaar la’aanta ciidanka iyo shaqaalaha, iyadoo loo sababeeyo in madaxdu ku mashquulaan arrimaha doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments