Ururka Al-Shabaab ayaa saaka waabarigii weerar culus ku qaaday deegaanka Masagawaay ee gobolka Galgaduud, halkaas oo farriisin u ahayd ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.
Kooxdan ayaa sheeganeysa inay la wareegeen deegaankaasi.
Hasa ahaate ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay inay ka hortageen weerarka Al-Shabaab ay ku soo qaadeen Magaalada Masagawaay.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Al-Shabaab halkaasi looga dilay tiro maleeshiyaad ah.
Waxaa ay dowladdu intaasi ku dartay in ciidanka xoogga dalka ay ka warqabeen weerarka Al-Shabaab.
Dowladda ayaa sheegtay in ciidankeeda haatan ay sii baacsanayaan firxadka kooxda Al-Shabaab.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii Al-Shabaab ay cagta mariyeen saldhiggii ciidanka ATMIS ee deegaanka Buulo Mareer.