Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Hoose ee Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidanka Uganda ee qaybta ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ay shalay galinkii dambe halkaasi ku dileen dad isku qoys ahaa.
Dhimashada dadka isku qoyska ahaa oo gaaraya ilaa lix ruux oo ah Carruur wada dhalatay ayaa timid ka dib markii ciidanka Uganda ee Saldhigga ku leh deegaanka Ambareeso ee duuleedka magaalada Baraawe ay madaafiic xooggan ku garaaceen deegaanka Mudul Baraawe.
Mid ka mid ah madaafiicda ayaa la xaqiijiyay inuu ku habsaday guriga Carruurtan isku qoyska ahaa ee halkaas ku wada geeriyootay, waxaana sidoo kale dhaawacyo ay soo gaareen dad kale oo qoyska ka mid ah.
Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in ciidanka Uganda ay Madaafiic ku garaacaan deegaanka Mudul Baraawe, hayeeshee warar aanan la xaqiijin ayaa sheegaya in nawaaxiga deegaankaasi ay dhaqdhaqaaqyo ka wadeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
Jimcihii la soo dhaafay ayay ahayd markii dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay weerar xooggan ku galeen Saldhigga ciidanka Uganda ay ku leeyihiin deegaanka Buulo Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo gaystay khasaare badan oo soo gaaray ciidanka Uganda.
Ma jirto wax war ah oo ilaa hadda ka soo baxay dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo ku aadan madaafiicdaan ay ku dileen ciidanka Uganda dadka shacabka ah ee isku qoyska ahaa.