DHAGEYSO:Dad barakacayaal ah oo xaalad nololeed ku wajahaya Beledweyne

0
605

Dad Barakacayaal Cusub oo ka Soo barakacay deegaano ka mid ah Gobolka Bakool ayaa Gaadhay Magaaladda Balad-wayne ee xarunta Gobolka hiiraan waxayna sheegeen inay halkaas ku wajahayaan xaalad nololeed oo aad u daran.
Dadkaan ayaa gaaray Xero lagu magacaabo Qaxare oo ku taala Duleedka Waqooyi ee Magaalada Beledweyne halkaaso ay horay ugu jireen dad barakacayaal ah oo Xaalado Binu’aadanimoo daran wajahayay,waxayna qaarkood sheegeen inay soo lugeeyeen in ka badan 100 KM si ay u helaan nolol dhaanta tii ay ku sugnaayeen.