War ka soo baxay kooxa Al-Shabaab oo looga hadlay weerarkii saaka ka dhacay magaalada Buulo-mareer ee gobolka Sh/hoose ayay ku sheegteen inay ku dileen 137 askari oo u dhashay dalka Uganda oo qayb ka ah howlgalka midowga Afrika ee ATMIS.
Warkan waxaa sidoo kale lagu sheegay inay jiraan askar kale oo ay nolosha ku qabteen iyo burbur ay gaarsiiyeen xeradii ay deganaayeen.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda Uganda iyo taliska ATMIS oo weerarkaan looga hadlay.
Dadka magaalada Buulo-mareer ayaa warbaahinta u sheegay in gudaha magaalada lagu arkay dagaalamayaal Al-Shabaab ka tirsan, waxaana xiran xarumihii ganacsi ee magaalada.
Wixii qodobkan ku soo kordha halkaan kala soco.