Tirinta codadka doorashada dowladaha hoose ee maamulka Puntland ayaa meel gabagabo ah maraysa, iyadoo ururrada qaarkood aad isugu dhow yihiin codadka.
Natiijooyin horudhac ah oo la sii daayay ayaa muujinaya in ururrada Kaah iyo Mideeye ay yihiin labada urur siyaasadeed ee codadka ugu badan ka helay doorashooyinkii dhacay shalay.
Gobolka Bari oo ah meelaha codadka ugu badan yaaleen waxaa natiijada hordhac ah ay muujinayaan in ururka Mideeye uu yahay ururka helay codadka ugu badan.
Natiijooyinkan oo ahayn kuwo rasmi ah waxay tilmaamayaan in ururka Mideeye uu doorashada Boosaaso ka helay codadka illaa 14 xildhibaan, waana in ku dhow kala bar aqlabiyadda golaha deegaanka ee degmada Boosaaso.
Sidoo kale tuulooyinka hoos yimaada degmada Boosaaso ayaa ururrada Kaah iyo Mideeye hoggaaminayaan codadka ugu badan, sidoo kalena ururrada Sincad iyo Mustaqbal ayaa ka mid ah ururrada codadka badan helay.
Gobolka Mudug, codadka la dhiibtay waxaa natiijada hordhaca ahi ay muujinayaan in ururka Kaah uu hoggaaminayo tirada codadka, waxaana xoguhu qaar ay sheegayaan in ururka Kaah uu helay 15 xildhibaan codadkiisa.
Si kastaba ha ahaatee, guddiga doorashada Puntland ayaa maanta la filayaa inay ku dhawaaqaan natiijada rasmiga ah ee doorashada, ka dib marka la dhameeyo tirinta codadka deegaannada qaar oo aan weli la dhameyn.