Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in Ruushka uunan guul ka soo hooyn doonin duullaanka militari ee uu gudaha Ukraine ka wado tan iyo 24-kii bishii labaad ee sanadkii hore.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday guddoomiyaha ciidamada iskudhafka ah ee Maraykanka General Mark Milley.
Waxaa uu warfidiyeennada u sheegay in ujeeddooyinkii hore ee istaraatiijiga ahaa ee Ruushka ay ka mid ahayd in meesha laga saaro dowladda Ukraine balse aan qaab militari loogu guulaysan karin.
Arrintan ayuu ka hadlay ka dib kulan ay yeesheen waddamada Ukraine ka taageeraya dhanka difaaca ee ku mdieysan Ramstein group.