Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Madaxweynaha dalka oo ka hadlay musuqmaasuqa ka dhex jiro maamulka KRA

Madaxweynaha dalka oo ka hadlay musuqmaasuqa ka dhex jiro maamulka KRA

Madaxweynaha dalka oo ka hadlay musuqmaasuqa ka dhex jiro maamulka KRA
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta tagay xarunta dhexe ee maamulka canshuuraha wadanka ee KRA.
Waxaa uu howlwadeennada KRA u sheegay in uunan marnaba aqbali karin in kenyaanka aan sida habboon loogu adeegin lacagaha canshuurta ah ee ay bixiyaan.
Ruto ayaa si cad u sheegay in qaadashada laaluushka oo xad dhaaf ah ay saameyn ku yeelatay howlaha maamulkan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay jiraan shakhsiyaad ka mid ah shaqaalaha KRA oo aan dowladda u adeegin balse xoogga saara inay si iskood ah uga macaashaan waajibaadka ay dalka u hayaan.
Madaxweynaha oo arrintan sii faahfaahinaya ayaa sheegay in qaar ka mid ah howlwadeennada KRA ay qaar ka mid ah dadweynaha garab ku siiyaan in aynan bixin canshuurta laga doonaya.
Hoggaamiyaha dalka ayaa ku celceliyay in maamulka KRA uunan weli gaarin heerkii laga rabay ee uruurinta canshuuraha marka loo barbardhigo maamullada la midka ah ee waddamada sida Koonfur Afrika.
William Ruto ayaa sheegay in boqolkiiba 15 ee dhaqaalaha wadanka uu ku saleysan yahay dakhliga ka soo xaroodo canshuurta.
Heerka canshuur uruurinta ee Koonfur Afrika ayuu William Ruto ku sheegay boqolkiiba 22 ilaa boqolkiiba 28.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in maamulka KRA laga doonaya inuu jawaab u helo sababta keentay hoos u dhaca.
Madaxweynaha ayaa xusay in maamulka canshuuraha ee dalka looga baahan yahay inuu u shaqeeyo qaab daahfuran , cadaalad ah oo fudud si kalsooni loogu beero kenyaanka lacagaha laga qaado.
Waxaa uu hoggaamiyaha dalka intaasi ku daray in canshuurta laga qaado shacabka lagu dhiso waddooyin, dugsiyo, isbitaallo , maxkamadaha sidoo kalena lacagahan loogu deeqo dadka dhibaatooyinka u nugul ee ka mid ah bulshada.
Madaxweynaha ayaa sheegay inuu xilliga habboon bixiyo canshuurta oo uu dhammaan shacabka ugu baaqaya inay dhaqankan uga daydaan.
William Ruto ayaa maanta maamulka KRA la wadaagay warbixintiisa shakhsiyadeed ee macluumaadka canshuurta taasoo sanadkiiba hal mar qof waliba oo uu dakhli soo galo laga doonaya inuu gudbiyo.
Hoggaamiyaha dalka ayaa KRA kula taliyay inay adeegsato tiknolojiyad ka sii wanaagsan midda hadda la isticmaalo si sare loogu qaado dakhliga.
Waxaa uu xusay inuu mas’uuliyad gaar ah iska saari doono xaqiijinta in shacabka loo fidiyo adeegyo u qalma canshuurta ay bixiyaan oo aanan cid ay ahaataba laga oggolaan doonin ku takriifalka kheyraadka dadweynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments