Gachagua oo sheegay in aan KRA loo adeegsan doonin siyaasad

0
209

Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa sheegay in dowladda talada wadanka haysa aynan marnaba maamulka KRA u adeegsan doonin inuu dhibaateeyo siyaasiyiinta ka soo horjeeda maamulka Kenya Kwanza.
Waxaa uu sheegay in madaxweynaha dalka , isaga iyo saraakiisha kale ee dowladda ay KRA fursad u siin doonaan inay waajibaadka saaran uga soo baxdo si aan eexasho iyo bartilmaameedsi siyaasadeed lahayn.
Gachagua ayaa sheegay in shakhsiyaadka ay siyaasad ahaan is hayaan ay kula macaamili doonaan qaab siyaasadeed iyadoo aan qofka lagu weerarin inuunan canshuur bixin.