Dowladda Japan ayaa shaacisay inay cunaqabateyn dheeraad ah ku soo rogi doonto dalka Ruushka.
Tani ayaa timid ka dib markii mas’uuliyiinta toddobada waddan ee caalamka ugu horreeya dhanka dhaqaalaha ee (G7) ay kulan ku yeesheen magaalada Hiroshima ee wadanka Japan.
Waxay ku heshiiyeen in xukuumadda Moscow la saaro cadaadis dheeraad ah oo looga falcelinaya duullaanka militari ee ay weli ka wado gudaha Ukraine.
Japan ayaa sheegtay inay xannibi doonto hantida 78 koox iyo 17 qof oo ka soo jeedo Ruushka.
Waxaa dadkan ka mid ah saraakiil militari.
Sidoo kale Japan ayaa mamnuucaysa in 80 shirkadood oo ku yaalla Ruushka ay wadankaasi badeecooyin ka soo iibsadaan sida ku cad bayaan ay maanta soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Japan.