Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Maxamad Cabdiraxmaan Dhabancad oo ay la socdaan Wasiirru-dowlaha madaxtooyada, taliyaha ciidamada booliiska iyo duqa degmada Burtinle ayaa kormeeray goobaha codbixintu ka socoto ee Magaalada Burtinle.
Bulshada Magaaladaasi ayaa safaf dheer ugu jira in ay codkooda dhiibtaan waxaana si nabadgelyo ah ku socota codeynta doorashada qof iyo cod.
Dhanka kale, guddoomiyaha guddiga ku meel gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland Cabdirisaaq Axmad Saciid ayaa sheegay in si rasmi ah ay codeyntu uga billaabatay dhammaan goobaha codeynta marka laga reebo gobolka Nugaal.
Codeynta golaha deegaanka ee gobolkan ayaa dib loo dhigay khilaaf hubeysan oo ka dhacay doorashada awgeed.
Waxaa uu sidoo kale farriin u diray ciidamada booliiska ee sugaya amniga goobaha codeynta, isaga oo ka codsaday inay caawiyaan dadka u baahan garabgalka.
“Waxaan ciidamada amniga ku dhiirigelinayaa inay wajibaadkooda si hufan u gutaan.’’