Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Saddex ka mid ah ciidamada Israa’iil oo loo maxkamadeeyay inay ku xadgudbeen...

Saddex ka mid ah ciidamada Israa’iil oo loo maxkamadeeyay inay ku xadgudbeen qof Falastiini ah

Maxkamad militari oo ku taalla Israa’iil ayaa waxaa la soo taagay saddex ka mid ah ciidamada militariga ee maamulkaasi oo ku eedeysan inay ku xadgudbeen qof u dhashay dalka Falastiin.
Sidoo kale saraakiisha ayaa lagu eedeyay inay isku dayeen inay hor istaagaan baaritaano ku aaddanaa falka ay sameeyeen.
Bayaanka maxkamadda waxaa ku cad in saddexda askari ay dhiibanaha baabuur ku qaadeen oo ayna dhibaateeyeen ka dibna ay uga soo tageen meel cidlo ah.
Labo ka mid ah ciidamada ayaa lagu xukumay xabsi 60 cishe ah halka midka saddexaadna uu xabsi ku jiri doono 40 cishe.
Macluumaadka militariga Israa’iil ayaa muujinaya in intii u dhexeysay 2017 ilaa 2021-kii ay diiwaangeliyeen cabashooyin ka dhan ah saraakiisha amniga oo gaaraya 1,260 oo la xiriira dhibaatooyin ay u gaysteen shacabka Falastiin oo ay ka mid tahay inay dileen 409 ruux.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments