Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa maanta goobjoog u ahaan doono qalliino baaritaan ah oo lagu sameynaya in ka badan 125 meyd oo laga soo saaray keynta Shakahola ee ismaamulka Kilifi.
Sidoo kale waxaa uu qorshuhu yahay in wasiirka arrimaha gudaha uu tago xarunta laga diiwaangelinaya ehellada dadkooda raadinaya ka hor inta uunan faahfaahin ka bixin halka uu maraya geeddisocodkan.
Meydadkan ayaa la helay xilli uu socday wajiga labaad ee howlgallada halkaasi ka socdo.
Ilaa iyo hadda waxaa xabaal wadareedyada Shakahola laga soo saaray meydad dhan 253.
Baaritaannada ayaa lagu sameyn doonaa isbitaalka deegaanka Malindi.
Waxaa la rumeysan yahay in dadka meydadkooda laga helay keynta ay ka mid yihiin shakhsiyaad uu marin habaabiyay baadariga kaniisadda Good News International Paul Mackenzie Nthenge oo ay taabacsanayeen isagoo kula taliyay inay cunnada iyo biyaha ka afxirtaan ilaa ay geeriyoodeen.