Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:24 qof oo loo xiray shaqaaqooyin ka dhacay Bomet iyo Kericho

DHAGEYSO:24 qof oo loo xiray shaqaaqooyin ka dhacay Bomet iyo Kericho

Saraakiisha ammaanka ee ismaamullada Bomet iyo Kericho ayaa gacanta ku dhigay 24 ruux oo lala xiriirinaya rabshado hanti lagu burburiyay oo ka dhacay dowlad deegaanadaasi.
Tani ayaa timid ka dib markii shacabka labada ismaamul ay sameeyeen dibadbaxyo ay uga cabanayeen maamullada shirkadaha soo saaro caleenta shaaha.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa hoosta ka xarriiqay in shakhsiyaadka la qabtay ay hadda marayaan baaritaano dheeraad ah ka hor inta aan maxkamad la soo taagin.
Waxaa uu sheegay in shacabka iyo mas’uuliyiinta aanan marnaba laga oggolaan doonin inay ku kacaan falal rabshadeysan oo lagu bartilmaameedsanaya hantida dadweynaha ama shirkadaha gaarka ah.
Kindiki ayaa intaasi ku daray in laamaha ammaanka ee Bomet iyo Kericho ay dejiyeen xaalado degganaansho la’aan ah oo ismaamulladan ka jiray toddobaadyadii la soo dhaafay.

Senatarka ismaamulka Kericho Aaron Cheruiyot ayaa dhankiisa dhallinyarada ugu baaqay inaynan ku lug lahaan shaqaaqooyinka

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments