Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Qaar ka mid ah sanduuqyada codeynta ee doorashada Puntalnd oo ay ciidan...

Qaar ka mid ah sanduuqyada codeynta ee doorashada Puntalnd oo ay ciidan qabsadeen

Iyadoo berri lagu wado in maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland looga dareero doorashada golayaasha deegaanka oo qof iyo cod ah, ayaa waxaa xalay ciidamo diidan doorashada gacantooda galay sanaadiiqdii codeynta ee degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal.
Isla gobolkaasi, qaybo kale oo ka mid ah ayaa la soo warinayaa in aysan gaarin wali qalabka doorashada, mana jirto ilaa iyo hadda cid arrimahan ka hadashay oo ka tirsan guddiga doorashada iyo maamulka Puntland.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamo fara badan waddooyinka gooyeen, iyada oo ay jiraan degmooyin kale oo aysan qalabkii doorashadu weli gaarin, waxaana ka mid ah degmooyinkan, Godobjiraan, Dangoroyo iyo weliba Garoowe oo ay hoos tagaan degmooyin badan.
Doorashada PUntland ayaa waxaa hareeyay khilaafyo iyada oo dhawaan ay soo baxday warqad lagu soo xirayo qaar ka mid ah siyaasinyiinta deegaankaasi walow markii dambe lala laabtay warqaddaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments