Dowladda Ruushka ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay ugu yaraan 70 qof ku dileen gobolka Belgorod.
Xukuumadda Moscow ayaa hoosta ka xarriiqday in ciidamada ay tallaabadan qaadeen xilli ay ka falcelinayeen weerar uga yimid dhanka Ukraine.
Maamullada ayaa intaasi ku daraya in 13 qof oo dheeraad ah ay dhaawacmeen iyadoo shacabka ku nool 9 tuulo la daadgureeyay intii ay dagaalladu socdeen.
Ruushka ayaa intaasi ku daray in dagaalka uu socday qiyaastii 24 saacadood oo ayna adeegsatay diyaaradaha dagaalka si loo burburiyo kooxaha hubeysan ee ka soo gudbay dhanka xadka gobolkaasi uu la wadaago wadanka Ukraine.