Guddoomiyaha ismaamulka Lamu Issa Timamy ayaa soo dhaweeyay qorshaha ay dowladda dhexe dib ugu furaysa xadka ay wadaagaan waddamada dariska ah ee Kenya iyo Soomaaliya oo xirnaa in ka badan 10 sano.
Waxaa uu Timamy hoosta ka xarriiqay in tallaabadan ay caddeyn u tahay in xaaladda amni ay tahay mid wanaagsan.
Barasaabka ayaa sheegay in dib u furka xadka labada dal ay sare u qaadi doonto arrimaha ganacsiga ee ismaamulka Lamu.