Taliska Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa 20-kii bishan duqeyn cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday kooxda Al-Shabaab ka fuliyay degmada Jilib .
Sida uu sheegay Timothy S. Pietrack, ku xigeenka Madaxa Waaxda howlaha guud ee AFRICOM, qiimeynta billowga ah ee weerarkan ayaa waxay muujineysa in duqeyntaasi la fuliyay iyadoo aan wax dhibaato ah loo geysan shacabka.
Lama sheegin bartilmaameedka gaarka ah ee weerarkan, inkastoo Jilib ay tahay xarunta ugu weyn ee ay ku sugan yihiin madaxda ugu sarreysa Al-Shabaab, ayna ku sugan yihiin ciidankooda ugu badan.
AFRICOM ayaa weerarkan ku sheegtay tallaabo muhiim ah oo ku aaddan dadaallada joogtada ah ee Maraykanka iyo xulafadiisa ay kula dagaallamayaan kooxda Al-Shabaab, oo mas’uul ka ah falal badan oo argagixiso oo ka dhacay gobolka.
Dowladdda Maraykanka ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay tahay koox weli adkeysi leh, taas oo u baahan dadaal joogto ah oo caalami ah si ay uga hortagtaan khatartooda.