Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Ra’iisul Wasaaraha Ruushka oo gaaray Shiinaha

Ra’iisul Wasaaraha Ruushka oo gaaray Shiinaha

Ra’iisul Wasaaraha dalka Ruushka Mikhail Mishustin ayaa safar ku tagay dalka Shiinaha sida laga soo xigtay wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Moscow.
Waxaa uu kulan la qaadan doonaa madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping iyadoo la filaya inay labada mas’uul wada saxiixdaan heshiisyo ku saabsan kaabayaasha horumarineed iyo ganacsiga.
Mishustin ayaa tagay magaalada Shanghai ee Shiinaha waxaana soo dhaweeyay safiirka Ruushka wadankaasi ku matalo Igor Morgulov iyo dibloomaasi sare oo matalaya Beijing ,Zhang Hanhui.
Shiinaha iyo Ruushka ayaa sanadihii ugu dambeeyay xoojiyay xiriirka dhaqaale iyo dibloomaasiyadeed ee ka dhexeya.
Bishii Labaad ee sanadkan ayay ahayd markii dowladda Shiinaha ay soo saartay 12 qodob oo ay doonaysa in la adeegsado si xal siyaasadeed loogu soo afjaro colaadda Ruushka kala dhexeysa Ukraine.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments