Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Waa sidee xaaladda Laascaanood ee maanta?

Waa sidee xaaladda Laascaanood ee maanta?

Wararka ka imaanaya magaalada Laasacaanood ayaa sheegaya in maanta xaaladdu deggan tahay ka dib dagaal culus oo shalay halkaas ku dhexmaray milateriga Somaliland iyo ciidamada la baxay SSC ee Khaatumo.
Inkastoo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkii shalay aan la tirakoobin, haddana labada dhinac waxay isku fara saareen ilaa seddex aag oo ay ku jiraan koontaroolka bariga magaalada iyo dhinaca galbeed.
Labada dhinac ayaa kala sheegtay guullo, iyadoo aysan muuqan aaggag cusub oo la kala qabsaday.
Dagaalka Laasacaanood oo socday muddo ku siman saddex bilood ayaa la qiyaasayaa inay ku barakaceen dad ka badan labo boqol oo kun oo qof, kuwaas boqol kun oo ka mid ah ay ka tallaabeen xuduudda Soomaaliya ay la wadaagto dalka Itoobiya, sida laga soo xigtay hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR.
Inkastoo nabad lagu baaqay, dhowr jeerna ergooyin nabadeed loo kala diray dhinacyada is haya, haddana waxa muuqata in labada dhinac aanay diyaar u ahayn inay qaataan shuruudaha dhinac kasta ku xirayo dhinaca kale si loo billaabo wadahadal fool ka fool ah oo xal loogu helo dagaalka gobolka Sool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments