Garaad Jaamac:Muuse ergadii oo gurigiisa ku sugan ayuu diiday inuu qaabilo, oo uu yiri xabadda joojin mayno

0
239

Garaadka Guud ee gobolka SSC Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa sheegay in madaxweynaha Somaliland uu diiday in uu qaabilo ergadii nabadda, uu dagaalna ku baaqay ayna iska celinayaan.
Garaadka oo waraysi gaar ah siiyay Gaylan Media ayaa sheegay in Biixi uu ku doodayo xad beenaad uu gumaystuhu sameeyay sida uu hadalka u dhigay.
“Gurigiisa intuu ugu yeeray ayuu qaabili waayay, ka dibna iyaga oo wali gurigiisa ku sugan ayuu yiri xabadda joojin mayno ilaa aanu gaarno xad beenaadkii gumaystuhu u kala qaybiyay umadda Soomaaliyeed markaa nabaddaasi maalinta ayay dhimatay” ayuu yiri Garaad Cali.
Waxaa uu sheegay in la waayay cid madaxweyne Biixi uga ergaysa oo ku qancisa inuu ciidanka ka saaro magaalada Laascaanood, islamarkaana ay hadda dagaalka ballaarinayaan oo ay xiri doonaan waddada uu saadku u maro ciidamada Somaliland “Shalay hadaanu baryaynay oo aanu lahayn guryihiina ku noqda maanta iyaga ayaa na baryi doona”.
Garaadka ayaa intaasi ku daray in umadda Soomaaliyeed tahay beelo, ayna tahay in beel kasta gurigeeda ka taliso, taasina ay tahay xalka ugu dhow ee nabad lagu gaari karo.
Waxaa uu sheegay in aynan jirin ciidamo aan ahayn kuwa deegaanka oo Laascaanood ka dagaalamaya, isaga oo beeniyay hadalkii madaxweynaha ee ahaa in kooxo huwan ah ay dagaalamayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here