Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta ka hadlay dagaalada muddooyinkii dambe ka socday magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ee u dhexeyay ciidanka Milateriga Somaliland iyo kuwa deegaanka SSC.
Waxaa uu madaxweyne Muuse Biixi sheegay in ay isku xiran yihiin, dagaaladii horay uga dhacay goballada Waqooyi, isagoo sheegay in ay dagaaladaas hore ee kacaanka ahaayeen, kuwa uu ku eedeeyay inay Puntland soo agaasintay.
Muuse Biixi ayaa sidoo kale ku eedeyay maamulka Puntland in ay ahaayeen dadkii duqeeyey magaalada Hargeysa, haddana ay magaalada Laascaanood ay ka wadaan dagaalka, waa sida uu hadalka u dhigay Madaxweynaha Somaliland, inkastoo horay Puntland u sheegtay in aysan qayb ka ahayn dagaalka.
Madaxweynaha Somaliland ayaa intaasi ku daray in dagaalka Laascaanood marna joogsan doonin.
Dhanka kale Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka Somaliland, wuxuuna sheegay inay qabsoomayaan doorashooyinka, isagoona tilmaamay in aysan marnaba aqbali doonin in wax faragelin ah lagu sameeyo doorashada.
Hadalkan ayuu Madaxweynaha Somaliland ka sheegay munaasabada 18-ka May oo Maanta ka qabsoontay magaalada Hargeysa.
Somaliland ayaa maalinta 18-ka May u aqoosan inay tahay maalin ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale oo maanta laga jooga 32 sano.
Dhanka kale musharraxa doorashada madaxweynaha ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ee jamhuriyadda Somaliland, Cabdiraxman Maxamad Cabdillaahi (Cirro) ayaa sheegay in dhibtaada ka jirta Laascaanood ay u baahan tahay nabadayn.
Mar uu arrintan ka hadlay ayuu sidatan yiri