Dowladda Soomaaliya ayaa wadankeeda ka ceyrisay labo ka mid ah shaqaalaha Midowga Yurub, kuwaas oo lagu eedeyay in ay si sharci darro ah sawirro uga qaadeen maxaabiis ku jirtay xabsi ku yaalla magaalada Muqdisho.
Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa shaqalahan go’aan ka qaadatay, ka dib markii ay heshay codsi ka yimid xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka Sulaymaan Maxamad Maxamuud, taasoo ku aadanayd in dalka laga saaro labadaasi nin.
Waxay wasaaraddu magacyada shakhsiyaadkan ku sheegtay Jacek Jozef Ochman oo dalka Poland u dhashay iyo Ralf Bernhard Gehlig oo haysto dhalashada wadanka Jarmalka ah.
Labadan nin ayaa lagu eedeyay inay ku xadgudbeen shuruucda iyo xeerarka dalka Soomaaliya.
Waxaa sidoo kale lagu eedeyay inay faragelin ku hayaan arrimaha gudaha ee wadanka Soomaaliya.
Dowladda ayaa ka codsatay Midowga Yurub in raggaasi laga soo saaro Soomaaliya muddo 72 saac gudahood ah, iyadoo ay caasimadda Muqdisho ka dhoofeen maalinkii Talaadada ee toddobaadkan.
Labadan qof ayaa u shaqaynayay Howlgalka Kobcinta Awoodda Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUCAP Somalia).
Ilo wareedyo ayaa xaqiijiyey in ceyrintan ay la xiriirto, ka dib sawirro ka soo qaadeen 36 maxaabiisa oo ah oo kalluumeysato ajaanib ah oo lagu eedeyay inay si sharci darro ah uga kalluumeysanayeen biyaha Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac ayaa sheegay in Ochman iyo Gehlig ay 30-kii bishii hore ku booqdeen maxaabiista xabsiga lagu hayo oo ay leeyihiin booliiska badda Soomaaliya, ka dibna ay si qarsoodi ah sawirro uga qaadeen.
“Dambi ayaa la galay in sawirro qarsoodi ah laga qaado maxaabiista ku jirta xarumaha amniga si loo waxyeeleeyo sumcadda iyo karaamada qaranka,” ayaa lagu yiri warqad ka soo baxday wasiirka arrimaha dibbada Soomaaliya.
Bishii Saddexaad ee sanadkan, wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku sheegtay in maraakiib shisheeye ay si sharci darro ah uga kalluumeysanayeen aagga dhaqaalaha gaarka ah ee Soomaaliya tan iyo bishii Kowaad ee sanadkan.