Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay dagaal ka dhacay magaalada Garoowe

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay dagaal ka dhacay magaalada Garoowe

Dagaal gaystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa Magaalada garoowe xalay waxaa uu ku dhexmaray Ciidamo ka wada tirsan Maamulka Puntland, balse kala taabacsan Madaxweyne Saciid Cabdullaai Deni iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka.
Waxaa uu Dagaalka ka dhacay agagaarka Garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ayaa yimid ka dib markii ay isku dhaceen Ciidamada PMPF oo gelibanaya Sanaadiiqda loogu talo galay codeynta doorashada Golaha deegaanka iyo kuwa diidan doorashada ee taabacsan Siyaasiyiinta mucaaradka.
Wararka aan helnay ayaa sheegaya in dagaalka ay ku dinteen ilaa Afar Ruux Saddex kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo u badan dhinacyadii dagaalamay ee ka tirsan Ciidamada Puntland.
Waxaa ay Wararku intaasi ku darayaan in Gudaha magaalada Garoowe ay dib ugu soo laabteen Ciidamada PMPF ee Gobollada kale ee Puntland u waday Sanaadiiqda codeynta ka dib markii ay diidmo kala horyimaadeen ciidamada taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka.
25-ka bishan ayaa Xukuumadda Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ay qorsheysay in la qabto doorashooyinka qofka iyo codka ah ee Golaha degaanka, balse Siyaasiyiinta mucaaradka ay kas oo horjeesteen, waxaana sidoo kale dhawaan diiday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Xamse, iyaga oo sheegay in la qabto doorashooyin la isku raacsan yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments