Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Dagaal u dhexeya ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC oo ka socda duleedka...

Dagaal u dhexeya ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC oo ka socda duleedka Laascaanood

Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in bariga iyo galbeedka magaaladaasi uu ka socdo dagaal u dhexeya ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC.
Waxaa wararka aan helayno sheegayaan in dagaalka uu ka dhashay ka dib markii ciidamada Somaliland ay dhaqdhaqaqyo ciidan ka sameeyeen jiidaha ay ku sugan yihiin.
Daryanka madaafiicda la isku adeegsanayo ayaa laga maqlayaa magaalada Laascaanood.
Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha dagaalku gaystay, mano jirto cid ka tirsan labada dhinac oo ka hadashay dagaalka.
Waxaa aroornimadii hore ee saaka baraha bulshada lagu arkayay gaadiid xambaarsan hubka darandooriga u dhaca oo ay leeyihiin ciidamada Somaliland, kuwaas oo ku sii jeeday taliska Goojacadde.
Dagaalka saaka ayaa yimid xilli xalay ciidamo maleyshiyo beeleed ah oo ka tirsan kuwii ku sugnaa jiidaha dagaalka Laascaanood ay soo faarujiyeen.
Ciidamadan oo ka gadoodsan doorashada dowladaha hoose ee Puntland ayaa soo aaday Garoowe, iyagoo qorshahoodu yahay inay is hor istaag ku sameeyaan qabsoomida doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments