Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Booliiska Soomaaliya oo soo bandhigay haweeney ku eedeysan dilka wiil uu dhalay...

Booliiska Soomaaliya oo soo bandhigay haweeney ku eedeysan dilka wiil uu dhalay ninkeeda

Ciidanka Booliiska Saldhigga degmada Dharkeenleey ee magaalada Muqdisho ayaa gacanta ku soo dhigay haweeney ku eedeysan dil ay u gaysatay wiil yar oo ay eedo u ahayd oo uu dhalay ninkeeda.
Taliska Booliiska gobolka Banaadir oo haweeyneydan u soo bandhigay Warbaahinta ayaa sheegay in haweeneydan ay si xun u garaacday wiilka yar ayna jirkiisa ka muuqdeen garaacis xooggan oo sababtay inuu u geeriyoodo.
“13/5/2023 Abaara 8-dii fiidnimo, Ciidanka Boliiska Qaybta Galbeeed gaar ahaan Saldhigga Dharkeynley, ayaa gacanta ku doo dhigay haweeney ku eedeysan in ay si arxan daro ah u dishay wiil ay eedo u ahayd halka gabadhii wiilka la dhalatay Boliisku ka badbaadiyay gabadhana ay dhaawacyo badan ku yaalaan waxayna u ahayd eedo aabo qabo, eedeysanaha ayaa Boliisku gacanta ku hayaa waxaana la waafajindoonaa Maxkamadda Awoodda u leh si cadaaladda loo mariyo” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska guud ee qaybta Boliiska gobolka Banaadir.
Taliska Booliiska gobolka Banaadir ayaa sidoo kale sheegay inay wadaan baaritaano la xariira dilka haweeneyda, islamarkaana cadaaladda la horgeyn doono haweeneyda dishay wiilkii ay eedada u ahayd.
Aabaha dhalay wiilka dhintay iyo gabadha laga soo badbaadiyay haweeneydan ayaa la sheegay inuu ku nool yahay dalka Dibaddiisa, islamarkaana haweeneydan Xaaskiisa ahayd uu ku biili jiray carruurtiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments