Warbixin uu maanta soo saaray maamulka qaran ee ololaha ka dhanka ah isticmaalka maandooriyaha ee NACADA ayaa lagu sheegay in mid ka mid ah 6-dii qof ee kenyaan ah uu la daala-dhacaya isticmaalka balwadda.
Tiradan ayaa u dhiganta 4.7 milyan oo qof oo ay da’doodu u dhexeyso 15 ilaa 65 sano.
Marka la eego jinsiyadda waxay dhibaatadan haystaa mid ka mid ah saddexdii qof ee rag ah iyo mid ka mid ah 16-kii qof ee dumar ah oo ay warbixinta muujinaysa inay isticmaalaan ugu yaraan hal maandooriye.
Warbixinta ayaa lagu eegayay heerka adeegsiga maandooriyaha ee gudaha dalka.
Waxaa isticmaalka balwadda ee gudaha dalka ugu badan gobolka Galbeedka oo ah boqolkiiba 26.4 , waxaa soo raaca gobolka bari oo ah boqolkiiba 20.7 iyo Nairobi oo ay NACADA ku sheegtaty boqolkiiba 19.1 .
Gudaha wadanka waxaa khamriga isticmaala mid ka mid ah Siddeedii qof ee kenyaan ah oo ay da’doodu u dhexeyso 15 ilaa 65 sano una dhiganta 3.1 milyan oo qof.
Isticmaalka khamriga waxaa ugu badan Galbeedka oo ah boqolkiiba 23.8 , waxaa soo raacda Xeebta oo ah boqolkiiba 13.9 halka bartamaha dalka ay tahay boqolkiiba 12.8
Marka la eego isticmaalka xashiishka waxaa ugu horreeya ismaamulka Nairobi oo ah boqolkiiba 6.3 ee mid ka mid ah 53-dii qof oo kenyaan ah oo ay da’doodu u dhexeyso 15 sano ilaa 65 sano.
Waxaa soo raaca gobolka Nyanza boqolkiiba 2.4 iyo Xeebta oo ah 1.9 boqolkiiba.
Tirada dadka isticmaala xashiishka ayaa tan iyo sanadkii 2017-kii korortay boqolkiiba 90.
Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha Raymond Omollo oo warbixintan soo bandhigay ayaa xusay in macluumaadka ku qoran ay yihiin kuwo walaac laga muujiyo.
Waxaa uu wax laga xumaado ku tilmaamay tirada dhallinyarada ee adeegsanaya noocyada kala duwan ee maandooriyaha.
Madaxa fulinta ee maamulka NACADA Victor Okioma ayaa sheegay in carruurta ay hadda maandooriyaha ku billaabaan 6 sano.
Waxaa uu daneeyayaasha kala duwan ugu baaqay inay ka shaqeeyaan in la ogaado sababaha keena adeegsiga balwadda iyo inay la yimaadaan siyaabo wax ku ool ah oo caqabaddan lagu xallinaya.
NACADA ayaa warbixinteeda ku soo jeedisay inay si dhow u wada shaqeeyaan dowladda dhexe iyo ismaamullada iyadoo la adeegsanaya dadaallo iskudhaf ah oo lagu xakameynaya soo saaridda , qaybinta, iibinta iyo isticmaalka daroogada.