Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Wasiir Xaange: Madaxweyne Deni markuu waayay jagada ra'iisul wasaare ayuu go'aansaday inuusan...

Wasiir Xaange: Madaxweyne Deni markuu waayay jagada ra’iisul wasaare ayuu go’aansaday inuusan la shaqayn DFS

Wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda dalka Soomaaliya, Cabdiqafaar Xasan Xaange ayaa ku tilmaamay sababta madaxweyne Deni u mucaaradsan yahay dowladda federalka inay tahay markii uu waayay jagada ra’iisul wasaare.
Wasiir Xaange oo ka mid ah xildhibaanada laga soo doortay Puntland ayaa sheegay in madaxweyne Deni uu aad uga carooday in madaxweyne Xasan Sheekh uu ka waayay inuu u soo magacaabo jagada ra’iisul wasaarenimo.
“Siciid Deni wixii ka dambeeyay doorashadii Afisyooni wuxuu olole u galay kursiga ra’iisul wasaaraha, hankaas iyo rabitaankaasi waad la socotaayoo way hungoobeen, Maalinta uu kursigaasi waayay, ayuu Siciid Deni dhexda u xirtay inuu khilaaf ka dhex abuuro Puntland iyo dowladda dhexe oo ah in uusan la shaqayn,” ayuu yiri wasiir Xaange.
Xaange ayaa sheegay in madaxweyne Deni uu beesha caalamka iyo hay’adaha dayn cafinta Soomaaliya ka iibiyay in aysan Dowladda dhexe heshiis wada shaqaynayd la lahayn.
Waxaa uu sheegay in reer Puntland in aysan madaxweyne Deni ku raacsanayn khilaafka uu khilaafsan yahay Dowladda dhexe, wuxuuna ku tilmaamay mid Deni u gaar ah oo danihiisa gaarka ah uu ka dhex waayay.
Hadalkan ayuu wasiir ku xigeenka maaliyadda ka sheegay wareysi uu siiyay taleefishinka maxalliga ee Dalsan, isagoo kaga hadlayay waxa ay isku hayaan Dowladda federalka iyo maamulka Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments