DHAGEYSO:Madaxweyne Deni:Dowladda federalka waxaan ku naqaanay federaal diid waxay ku darsadeen dimuqraadiyad diid

0
411

Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku eedeyay madaxda Dowladda federalka inay dagaal xooggan kula jiraan dimuqraadiyadda Puntland.
“Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaruhu waxay isku raaceen inay dimuqraadiyadda diidan yihiin oo ay la dagaalamayaan, hadalladoodii waxaa ku jiray sanadkii 2013-kii kuwaa la fashiliyay, haddana ma dhacayso, waxay caddeeyeen inay maalintaasna iyagu diidanaayeen, maadaama madaxweyne Xasan Sheikh uu xilka joogay” ayuu yiri madaxweyne Deni.
Waxaa uu sheegay markii Puntland ay ka billaabatay diiwaangalinta doorashada in Garowe iyo Laascaanood ay ka dhaceen rabshado lagu fashilinayo diiwaangalinta doorashada.
Deni ayaa arrintaasi ku eedeeyay inay iska kaashadeen Dowladda federalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.
Dhanka kale madaxweyne Deni ayaa weerar afka ah ku qaaday ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre, isagoo ku tilmaamay inuu yahay xoghayaha madaxweyne Xasan Sheikh.
Waxaa uu sheegay shaqadiisa iyo mas’uuliyadiisa in uusan u madax bannaanayn.
Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheikh uu sameystay Ergooyin lagu burburiyay awood qaybsigii siyaasadeed ee Dowladda federalka iyo awooddii ra’iisul wasaaraha iyo wasiiradda.

Hadalka madaxweyne Deni iyo hadallada madaxda federaalka Soomaaliya waxay bannaanka u soo saareen khilaafka xooggan ee ka dhexeya labada dhinac.